Kooxo Dilaaliin Ah Oo Hargeysa Ka Raray Agab Caafimaad Oo Muhiim U Ah Xaaladda Maanta Oo Ay U Daabuleen Dalka Djibouti

Hargeysa (HCTV) – Kooxo Dilaaliin ayaa magaalada Hargeysa ka guray agabka caafimaadka iyo daawooyinka lagu faraxasho, kuwaas oo hadda cidhiidhi ku ah suuqyada Hargeysa, waxanaa la sheegay inay u daabuleen dalka Djibouti.

Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in kooxo dilaalin ahi ay dalka Djibouti u rareen maryaha afka lagu daboosho ee loogu tallo galay in lagaga hortago xanuunada faafa iyo daawooyinka lagu faro xasho. Af-daboolka iyo daawooyinka lagu fara xasho ayaa hadda qaliil ku ah suuqyada Hargeysa, xilli ay dunida iyo Somalilandba la tacaalayso ka hortagga xanuunka Corona Virus oo dunida gilgilay.

Guddiga uu Madaxweyne Biixi u magacaabay la dagaalanka iyo ka hortagga xanuunka Corono Virus, ayaa qoraalo amar ah oo ay shalay soo saareen waxay ku dareen qodob ay kaga digayaan in agabka caafimaadka iyo daawooyinka laga saaro dalka. “Waxa reebban in dalka laga saaro dhammaan agabka caafimaadka iyo daawooyinka.” Sidas waxa u dhignaa qodobka ay dawladu ku mamnuucayso in dalka laga saaro agabka caafimaad ee dalka.

Shir ay Hargeysa ku yeesheen ganacsatada dalka iyo xukuumadda Somaliland oo aan saxaafadda loogu tallo gelin ayaa lagaga hadlay arrintan, waana sababta keentay in guddiga ka hortagga Corona Virus ay shalay mamnuucaan in dalka dibada looga saaro agabka caafimaadka iyo daawooyinka.

Agabka af daboolka iyo daawooyinka faro-xalka ayaa ku  yar magaalada Hargeysa, waxaana cidda hesha lagaga iibinayaa qiime aad u sareeya.

Lama oga in dilaaliintani iib ahaan u geeyeen dalka Djibouti agabkan caafimaad ee ay Hargeysa ka daabuleen iyo inay dawladda Djibouti soo diratay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

Xigasho: Geeska Afrika