Soomaaliya: Dawladda Federaalka Oo 5 Milyan U Qoondaysay La Dagaalanka COVID_19 Iyo Dugsiyada Oo La Fasaxay

Muqdisho (HCTV) – Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay Go’aan ay ku xidhayso Dugsiyada Waxbarashada iyo Jaamacadaha ku yaalla Soomaaliya.

Dawladda ayaa sheegtay in Dugsiyada Waxbarashada iyo Jaamacadaha la xidho muddo 15 Maalmood ah, oo ka bilaabanta Arbacada Maanta, si looga hor tago faafidda Cudurka Coronavirus oo soo gaadhay Soomaaliya.

Sidaana waxa sheegay Raysal-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo Xalay Shir-saxaafadeed ku qabtay Muqdisho, waxaanu yidhi “Si aan uga hor-tagno Cudurka Caronavirus, waxaan Shacabka Soomaaliyeed u sheegaynaa in la xidho Iskuullada iyo Jaamacadaha, oo ay xidhnaadaan muddo 15 Maalmood ah..” ayuu yidhi.

Wuxuu intaa ku darray in Dowladdu meel gaar ah dhigtay $5 Milyan oo dollar oo loogu tala-galay in wax looga qabto caabuqa COVID- 19 oo la sheegay Soomaaliya in ilaa iyo hadda laga helay qof kaliya oo qaba cudurkan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka