Coronavirus Oo Ku Baahay 50 Gobol Ee Maraykanka Iyo Wararkii U Dambeeyay

USA (HCTV) – Cudurka sida deg-degga ah ugu faafaya dunida ee Coronavirus ayaa gaadhay guud ahaan Gobollada Maraykanka ee 50-ka ah.

Gobolka West Vergina ayaa Qofkii ugu horreeyay ee qaba Caabuqa Coronavirus waxa laga helay Salaasadii Shalay.

Badhasaabka Gobolka West Vergina oo Warbaahinta la hadlay markii la helay Qofka koowaad ee qaba Xanuunka, wuxuu sheegay inay filayeen inay sidani dhacayso oo Xanuunku soo gaadhayo.

Magaalada New York waxaa la saaray xayiraad la mid ah ta saaran San Francisco

Dalka Mareykanka ilaa iyo iyo hadda inta la xaqiijiyey waxaa laga helay 6,000 oo kiis oo cudurka Coronavirus iyada oo ay dhimashaduna gaadhay 105 Qof.

Dunida oo dhan kiisaska cudurka ee la helay waaxaa lagu qiyaasayaa 200,000 oo kiis iyo 8,000 oo dhimasho ah.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka