Duulimaadyadii Maanta Ee Fly Dubai iyo Ethiopian Airlines Ee Hargeysa Oo Baaqday

Hargeysa (HCTV) – Diyaaradaha Fly Dubai iyo Ethiopian Airlines ayaan Khamiista Maanta soo cago-dhiganin Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay qorshaysnaayeen duulimaadyadii caadiga ahaa ee ay ku iman jireen.

Diyaaradahan ayaa duulimaadyo maalinle ah ku yimaadda Garoonka Cigaal ee Hargeysa, ayaa baaqday Saaka, sidaana waxa Telefiishanka HCTV u xaqiijiyey Dad ka mid ah Rakaabkii diyaaradahaa Hargeysa ka raaci lahaa oo lagu War-geliyey in Fly Dubai iyo Ethiopian Airlines aanay iman doonin Hargeysa.

Illaa hadda lama oga Sababta baajisay Safarkii Diyaaradahaasi ku iman lahaayeen Hargeysa, hase-ahaatee baaqashadooda ayaa ku soo beegmaysa 19-ka bisha March oo ku beegan Maalinta ay bilaabmayso Xayiraad dhanka ah Diyaaradaha oo Dawladda Federaalka Soomaaliya u soo rogtay sababo la xidhiidha Caabuqa Dunida ku faafaya ee Coronavirus.

Maamulka Shirkadahani kama hadal baaqashada diyaaradahooda, balse Ergayga Somaliland u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa qoraal uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku sheegay in Diyaaradda Fly Dubai oo ku soo waajahan Garoonka Hargeysa ay amar siisay Dawladda Soomaaliya, taasina sababtay inay iyadoo Rakaabkii sita dib u noqoto.

Safiirku wuxuu sheegay in arrintaasi tahay dagaal ay Soomaaliya iclaamisay oo ka dhan Somaliland, Somaliland-na ka jawaabi doonto.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka