Mid Ka Mid Ah Shaqaalaha Xafiiska Madaxweyne Ku-Xigeenka Maraykanka Oo Laga Helay Coronavirus

USA (HCTV) – mid ka mid ah shaqaalaha xafiiska madaxweyne ku-xigeenka dalka maraykanka ayaa laga helay caabuqa coronavirus.

Sidaana waxa warbaahinta u sheegay afhayeenka madaxweyne ku-xigeenka maraykanka.

“waxaanu idin ogaysiinaynaa in xubin ka mid ah shaqaalaha xafiiska madaxweyne ku-xigeenka la baadhay, lagana helay cudurka coronavirus..” ayuu yidhi, Katie miller.

Afhayeenku wuxuu intaa ku daray in qofka laga helay cudurku aanu wax xidhiidh ah la lahayn madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka midna.

Madaxweyne ku-xigeenka maraykanka mike pence ayaa hal-beeg u ah masuuliyiinta maraykanka ee maamulka trump u qaabilsan la dagaalanka coronavirus.

 

HORN CABLE TV

WAAXDA ONLINE-KA