Cudurka Covid_19 Oo Shalay Oo Keliya Talyaaniga Ku Dilay 627 Qof

Italy (HCTV) – Xanuunka corona ayaa dalka Talyaaniga ku dilay dad ka badan inta uu ku dilay dalalka kale ee caalamka, kadib markii maalin keliya ay dalkaas ku dhinteen dad gaadhaya 427 qof.

Tirada dhimashada ee dalkaas ayaa haatan mareys 4,032, taas oo ka badan tirada dadka ku dhintay dalka Shiinaha oo ah halka markii hore uu ka bilawday.

Dalka Shiinaha ayaa waxaa xanuunkaas ugu dhintay 3,245 qof, balse waxaa su’aal la gelinayaa sax ahaanshaha tiradaas, maadaama ayna jirin cid si madaxbanaan u xaqiijin karta.

Dhammaan shacabka dalka Talyaaniga ayaa lagu amray in ay guryahooda ku nagaadaan.

Inkastoo ay jiraan tallaabooyin ay soo rogtay dowladda, haddana waxaa la soo sheegay in ay jiraan dad wali u dhimanaya xanuunka, waxaana guud ahaan corona caalamka ugu geeriyootay dad gaadhaya sagaal kun oo qof.

Dowladda Shiinaha waxay sheegtay in ayna jrin kiisas cusub oo lagu arkay gudaha dalkaas, balse ay jiraan dad qaba xanuunka oo Shiinaha uga yimid dibedda.

Hase-yeeshee tirada dadka uu ku dhacay xanuunka ayaa aad uga badan tan Talyaaniga oo dalkaas waxaa uu xanuunka haleelay 81 kun, halka Talyaanigana uu marayo 41,035.

Maxaa Talyaaniga ugu dambeeyay?

Dowladda Talyaaniga ayaa soo saartay amar lagu xidhayo dhammaan goobaha ganacsiga iyo meelaha ay isugu yimaaddaan dadweynaha, si loo yareeyo faafidda xanuunka corona.

Baararka, maqaaxiyaha iyo inta badan dukaamada ayaa la xidhay, waxaana sidoo kale albaabada la isugu laabay iskoollada iyo jaamacadaha.

Ra’iisul wasaaraha dalkaas, Giuseppe Conte ayaa sheegay in taas ay yareysay xanuunka iyo dhibaatooyinka laga dhaxlo.

Lombardy, oo ah gobolka uu saameynta ugu ba’an ku yeeshay Caabuqan ayaa laga soo tabiyay 319 dhimasho oo hal maalin gudaheed ah, laakiin wararkii u dambeeyay ee xalay ka soo baxay talyaaniga ayaa sheegay in jimcihii shalay oo keliya uu coronavirus ku dilay 627 qof, taasi oo noqonaysa dhimashadii ugu badnayd eek a dhacday talyaaniga inta uu ka dilaacay coronavirus.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in isku darka tirada guud ee uu ku dhacay caalamka oo dhan ay kor u dhaaftay 220,000.

80% kiisaskan ayaa laga soo tabiyay qaaradda Yurub iyo gobolka Galbeedka badweynta Pasific.

 

HORN CABLE TV

WAAXDA ONLINE-KA