Dowladda Soomaaliya Oo Laba Maalmood Ogolaatay Duulimaadyada Caalamiga Ah

Muqdisho, ((HCTV) – Dowladda federalka Soomaaliya ayaa muddo laba maalmood ah fasaxaysa dhammaan Diyaaradaha keenaya muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dalalka caalamka, kuwaasi oo ku dagidoona garoomo cayiman.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ayaa lagu sheegay in go’aankaan la qaatay uu yahay mid ka dhashay cabasho ka yimid muwaadiniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo xaq dastuuri ah u leh inay kusoo laabtaan dalkooda.

Qoraalka wasaradda waxaa ku cad in diyaaraddaha la ogol yahay ay yihiin kuwa sida Dawooyinka iyo Raashinka.