UPDATES: Coronavirus Oo U Gudbay Uganda, Eritrea, Falastiin Iyo Itoobiya Oo Dadkaa Qabaa Kordheen

Gaza (HCTV) – Caabuqa Coronavirus oo si deg-deg ah dunida faafaya ayaa Axadda Maanta la soo sheegayaa Kiisas lagu arkay dalal hor leh oo uu u gudbay.

Xanuunka Coronavirus ayaa la soo sheegay in labadii Kiis ee ugu horeeyay lagu arkay Marinta Qaza ee Falastiin.

Labada Qof ee reer Falastiin ee laga helay Caabuqa Coronavirus ayaa dhawaan ka soo laabtay dalka Pakistaan, markii la baadhayna waxa laga helay Caabuqa.

Kiisaska laga helay Gaza ayaa sii kordhinaya Cabsidii laga qabay Caabuqa, maaddaama oo adeegga Caafimaad ee Falastiin aanu wanaagsanayn, maaddaama oo sanado badan ay Isreal xayiraad ku haysay dhulkaasi.

Dhawaan waxa Gaza gaadhay boqol reer Falastiin ah, balse waxa xanuunka laga baadhay 92 keliya, sida uu ku warramay Wargeyska The National oo HCTV uu Warkan ka soo xigtay.

Sidoo kale, Dawladda Uganda ayaa Saaka xaqiijisay in Qofkii ugu horeeyay ee qaba Covid_19 laga helay dalkaasi.

Wasiirka Caafimaadka ee dalka Uganda Ruth Jane Aceng ayaa sheegtay in Nin u dhashay dalka Uganda oo ka soo noqday Dubai 17-kii bishan laga helay caabuqa Coronavirus.

Wasiirku waxay sheegtay in ninkaasi oo da’diisu tahay 36 jir uu la socday diyaaradda Ethiopian Airlines.

Dawladda Eritrea ayaa xaqiijisay inuu dalkeeda soo gaadhay Caabuqa Coronavirus, Qofka laga helay ayaa ka yimid dalka Norway, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadku.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in qofka Norway ka yimid uu la socday Diyaaradda Fly dubai.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka