Kenya Oo Xidhay Dhammaan Masaajiddada Iyo Meelaha Kale Ee Dadku Ku Kulmaan

Nairobi (HCTV) – Guud ahaan waxaa la xidhay masaajidada kala duwan ee ku yaalla dalka Kenya, gar ahaan kuwa Xafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Amar gelinkii danbe ee Shalay ka soo baxay dowladda, ayaa lagu sheegay in la xidho meel kasta oo dadku isku yimaaddo.

Wasiirka caafimaadka Kenya Mutahi Kagwe, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in 8 qof oo kale oo qaba cabuuqa Coronavirus laga helay dalka Kenya.

Sidoo kale, laga bilaabo 25 bisha oo ku beegan maalinta Arbacada waxaa dhaqan gelaya joojinta dhamaanba duulimaadyada caalamiga ah ee imanaya Kenya iyo kuwa ka baxaya.

Amarka lagu xidhayo Masaajiddada ayaa ah mid lagaga hor-tagayo in Cudurka Coronavirus uu ku fido Kenya.

Tirada guud ee dad ka qaba cabuuqa Coronavirus ayaa hada noqonayaa 15 rux.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka