Imaaraadka Oo Joojiyey Duulimaadyada Iyo Sucuudiga Oo Soo Rogay Bandoo, Cabsida Coronavirus Awgeed

Dubai (HCTV) – Dawladda Isku Tagga Imaaraadka Carabta ayaa joojisay duulimaadyada dalkeeda yimaadda iyo kuwa ku hakada halkaasi, muddo laba toddobaad ah.

Dawladda Sucuudiga ayaa iyaduna soo Rogtay Bandoo ka bilaabmaysa Subaxdii iyo illaa Waaberiga dambe, waxaana labada Waddanba ay Tallaabooyinkaa u qaadeen inay ka gaashaantaan Faafidda Cudurka Coronavirus oo dunida aad ugu faafaya.

Tallaabooyinka Sucuudiga iyo Imaaraadku qaadeen ayaa ku soo beegmaya xilli Dawladda Talyaaniguna ay soo saartay amar ay ku joojisay Safarrada Waddanka gudihiisa.

Talyaaniga waxa illaa hadda Cudurka Covid_ 19 oo ka dhasha Caabuqa Corona ugu geeriyooday 5,400.

Waddamada kale ee wer-werka ugu badani ka hayo Cudurka Coronavirus waxa ka mid ah Spain.

Spain ayaa qorshaynaysa inay dalkeeda geliso Xaalad deg-deg ah, taasi oo soconaysa illaa 11-ka bisha dambe ee April, ka dib markii Dadka u dhintay xanuunkaasi ay Spain gaadhay 1,700 Qof.

Dunida oo dhan, Covid_19 waxa u geeriyooday 14,500 Qof, waxaana ka bogsaday Xanuunka 98000 Qof, kuwaasi oo qayb ka ah 336,000 Qof oo dunida oo dhan uu ku dhacay Xanuunku.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka