Ethiopia Oo Shaacisay In Laba Todobaad Ay Karantiimaynayso Dadka Ka Soo Daga Madaarka Bole

Addis Ababa, (HCTV) – Dalka Ethiopia ayaa maanta oo Isniin ah soo saaray bayaan ay ku sheegayaan in laba todobaad la karan tiimaynayo dhamaan dadka u socdaala dalkaasi Ethiopia.

Dalkan oo ku yaala Geeska Afrika ayaa ah dal ay ku nool yihiin 110 Milyan oo qof, waxaana laga xaqiijiyey dalkaasi 11 kiis oo cudurka Coronavirus ah.

Hase yeeshee dalka Ethiopia waxa uu u diyaariyey dadka soo gaadha dalkooda in mudo 14 cisho ah inta aanay guddaha magaalada soo galin lagu hayo laba hotel oo ku yeela dalkaasi oo la kala yidhaahdo Skylight iyo Ghion.

Sidoo kale dalka Ethiopia waxa uu ka codsaday diblomaasiyiinta inay baaqi ku sii ahaadaan oo ay ku karantiimaysnaadaan safaaradahooda si xushmad leh.

go’aankan ka soo baxay dalka Ethiopia ayaa ka mid ah dhawaaqyo lagu qiimaynayo xaalada fiditaanka cudurka, oo lagu yaraynayo waxaanay daba socotay go’aan dhawaan lagu xidhay dugsiyada waxbarashada dalkaasi iyo goobaha ay isugu yimaadaan dadku ee ciyaaruhu ka midka yihiin in aan laga maqnaado mudo 15 cisho ah.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.