Ciidamada Puntland Oo Boosaaso Ka Fuliyey Hawlgalo Ay Kaga Hortagayeen Weeraro Argagixiso

Boosaaso, (HCTV) – Ciidamada Amniga maamul goboleedka Puntland ayaa habeenimadii Axada hawlgal ka fuliyey dhinaca bari ee magaalada Boosaaso, waxaanay ciidamadu hawlgalkaasi ay ku soo qabqabteen kooxo looga shakisan yahay argagixiso oo ka tirsan ururada Al-Shabaab iyo Daacish.

Ciidamada amaanka maamul goboleedka Puntland ayaa ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay inay qabteen dhowr qof oo ka tirsan kooxahan iyagoo hawlgalo xasaasi ah ka waday magaalada Boosaaso.

Howlgalkan ayaa ku soo beegmaya maalmo kadib dilkii loo gaystay sarkaal ka tirsan wasaaradda maaliyadda ee magaalada Boosaaso kaas oo Al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda dilkiisa.

Dhinaca kale xubin Baarlamaanka ka tirsan oo lagu magacaabi jiray Mukhtaar Cumar ayaa lagu dilay Galkacyo habeenimadii Axadda. Gudoomiyaha gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in xildhibaanka ay dileen labo nin oo bastoolado ku hubeysnaa.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.