Shaqada Safaaradda Somaliya Ee Nairobi Oo La Hakiyay

Nairobi, (HCTV) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Nairobi ay shaqadeeda hakin doonto muddo toddobaad ah oo ka billaabanaysa maalinta Salaasada, si looga fogaado faafidda cudurka Coronavirus.

Safiirka ayaa dadka Soomaaliya ee ku nool dalka Kenya ugu baaqay inay raacaan tilmaamaha ay dowladda Kenya bixisay ee looga fogaanayo cudurka.

Dowladda Kenya ayaa xidhay dhammaan goobaha la isugu yimaado, iyadoo ku baaqday in shaqooyinka laga fasaxo dadka laga maarmo ama ay xaafadahooda ka soo shaqeeyaan.

Dalka Kenya ayaa la xaqiijiyey in 17 qof laga helay coronavirus.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.