Wasaaradda Caafimaadka Oo Ka Warrantay Dad Looga Shakiyay Xanuunka Corona Oo Laga Qabtay Madaarka Hargeysa

Hargeysa (HCTV) – Warar Shalay soo baxay ayaa sheegay in Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa laga kaxeeyay Muwaadiniin reer Somaliland ah oo ka yimi dalalka Dibedda ee uu ka dilaacay Caabuqa Coronavirus.

Dadkan oo Tiradooda lagu sheegay illaa 16 Qof ayaa qaarkood ka yimaaddeen Dalka Shiinaha oo ah halkii uu ka dillaacay Coronavirus, ayay Dawladdu geysay meel gaar ah si muddo loo hayo, si loo hubiyo inuu jidhkooda ku qarsoon yahay Caabuqa Coronavirus ee uu ka dhasho Xanuunka Covid_19 ee dunida faraha baas ku haya.

Wargeyska Geeska Afrika oo isku dayey Warar dheeraad ah ka helo Wararka sheegaya in 16 Qof la kaaraantimeeyay ayaa xidhiidh la sameeyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaad, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, waxaanu Agaasimuhu si kooban u sheegay inay jiraan Dad la hayo, laakiin Sababta loo hayaa aanay ahayn inay qabaan Corona, balse ay tahay in muddo laga hubiyo, maaddaama oo ay ka yimaaddeen Waddamo uu xanuunku ka jiro.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka oo ka jawaabaya su’aasha koowaad ee Geeska Afrika waydiiyey ee ah waxa ka jira in la hayo Dad la baadhayo Corona, ayaa ku jawaabay “Way jiraan dad badan oo aanu hayno oo dalka dib ugu soo laabtay.” Ayuu yidhi, Dr. Xergeeye, waxaanu intaa ku daray “Dadkaasi maaha dad qaba xanuunka Coronavirus, mana ah dad aanu uga shakinay xanuunka Coronavirus, balse dadkani waa dad ka yimid waddamada fog fog, sida wadamada uu aadka ugu badan yahay xanuunka Coronavirus, waxaana ka mid ah dad ka yimid dalka Shiinaha oo ah Waddankii uu markii ugu horeysay ka dilaacay xanuunkan.”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadku wuxuu sheegay In Dadka loo hayo hubin “Dadkeena muwaadiinta ah ee dalkeena u dhashay xaq bay u leeyihiin inay dalkooda yimaaddan oo ay dib ugu soo laabtan, markaas si aanu uga taxadirno inuu xanuunkani uu dalkeena soo galo aad baanu u hubinaynaa in cid kasta oo dalkeena imanaysa, ilaa haddana dalkeenu uu ka bad-qabaa xanuunkan”ayuu yidhi.

Agaasimaha guud ma sheegin goobta lagu hayo Dadka laga hubinayo caabuqa Coronavirus.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

Xigasho: Geeska Afrika