Chine Oo Khafiifinaya Xayiraadihii Dhanka Socdaalka Iyo Yurub Oo Sii Adkaynaysa

Chine (HCTV) – Dawladda Shiinaha ayaa sheegtay inay khafiifin doonto xayiraado adag oo saarnaa Gobolka Hubei oo ah Gobolka uu ka dillaacay Caabuqa Coronavirus ee sababta Cudurka Covid_19, kaasi oo xilligan dunida inteeda kale faro-baas ku haya.

Khafiifinta Xayiraadaha dhanka socdaalka ee saarnaa Gobolka Hubei ayaa bilaabmi doonto Arbacada Berri, taasina waxay timid markii Maalmihii la soo dhaafay meesha ka baxday Kiisaskii cudurka Covid_19 ee lagu arki jiray Gobolkaasi.

Xilliga Shiinuhu uu sheegayo in khafiifinayo Xayiraadaha waxa ka baxaya ama gelaya Hubei, Dawladda boqortooyada Ingiriiskuna waxay soo rogtay xakamayn adag oo dhinaca dhaqdhaqaaqa ah, si looga hor-tago in cudurku uu ku faafayo UK.

UK ayaa Tallaabada noocan ah qaadday, ka dib markii Dadka uu Cudurku ku dilay halkaasi ay gaadhay 52.

Xayiraadaha uu soo rogay Ingiriiska, waxa ka sii horreeyay Dawladaha Faransiiska, Talyaaniga iyo Spain oo iyaguna Xayiraado soo rogay, kuwaasi oo saameeyay isku socodka Dadka ee Gaadiidka dhulka iyo Cirkaba.

Covid_19 ayaa waxa dunida oo dhan ugu dhintay in ka badan 16,500 Qof, sida ay sheegaysio xog ururin ay samaysay Jaamacadda Johns Hopkins University waxa Xanuunka ka bogsaday 102,000, kuwaasi ka mid ahaa 382,000 Qof oo dunida oo dhan uu Xanuunku ku dhacay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka