“Haddaynu Duulimaadyada Joojino, Ciyaalka Xamar Joogaa May Joojin..” Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ku taliyey in Feejignaan dheeraad laga yeesho Cudurka Coronavirus oo xilligan dunida aad ugu faafaya.

Faysal wuxuu xukuumadda u soo jeediyey inay xidho Xuduudaha dalka ee Cirka iyo dhulkaba, isagoo si gaar ah Carrabka ugu dhuftay in la joojiyo duulimaadyada ay diyaaradda Ethiopian Airlines ku timaaddo Hargeysa.

“Waa Cudur xun oo aad mooddo in Yoomal qiyaamihii ifka la inoogu keenay (Corona), Waayo? waxa la yidhi Maalinta Qiyaamaha Waad kala cararri doontaa oo Ilmahaaga ayaad ka cararri doontaa, tiibaana dhacday oo waa wax haku qaataan Bani-aadamku.” ayuu yidhi, Guddoomiyaha UCID, waxaanu intaa ku daray “Caafimaadku waa meelaha aynu ugu liidano, waa Hay’adaha aan korin 30-kaa sanadood baylahda ah, sidaasi darteed inagood ogtihiin inaynu xanuunada fudud u tagno Itoobiya, way adag tahay sidaynu ula dagaalano Cudurkana, Ilaahay oo innaga qabta mooyaane, laakiin waa inaynu dedaal keenaa.”

Faysal waxa kale oo uu sheegay “Aafooyinka inagaga imanaya Itoobiya, haddii kana inoogu darsamo khatar baynu ku jirnaa, Itoobiya waxa inooga yimaadda Qaadka, waxa ka yimaadda Xashiishadda oo cudur cusub ah oo Carruurteenii baa’biiyey, waxa inagaga yimaadda khamriga oo isaguna ah Aafo kale..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Dawladda waxaanu leenahay, maaddaama oo Xanuunkan la sheegay inuu 14 Maalmood ka bacdi soo if-baxayo, duulimaadyadii Itoobiyana ay inoo furan tahay oo meel kasta ka keenaysa, laba Arrimood waa in la qaadaa, Ciddii ku timaadda dhulkaa lagu sheegay (Xanuunka) in la karantiimeeyo sida Adduunka kale yeelay amba waa in duulimaadyada la joojiyaa, haddaynu duulimaadyada joojino, Ciyaalka Xamar joogaa may joojin ee Coronavirus baa joojiyey..”

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka