Maraykanka Oo Jaray $1bn Gargaar Ah Oo Uu Siin Jiray Afghanistan

Kabul, (HCTV) – Dalka Maraykanka ayaa sheegay inuu jarayo $1bn (Hal Bilyan oo dollar) oo ah gargaarkii uu siin jiray dalka Afghanistan.

Talaabadan ayaa timid kadib markii madaxweynaha Afghanistan iyo ninka la tartamaya ay ku guuldarreysteen inay xaliyaan khilaafkooda, sameeyaan dawladd cusub.

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Maraykanka Mike Pompeo ayaa shaaciyay inuu joojinayo Maraykanku $1bn doolar oo uu siin jiray dalka Afghanistan kadib markii uu ku guuldareystay inuu ka dhaadhiciyo Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani iyo ninka la tartamaya inay soo afjaraan khilaaf sababi kara inuu carqaladeeyo dadaallada nabadeed ee Maraykanku hogaaminayo.

“Maraykanka ayaa sidoo kale diyaar u ah inuu gooyo $1bn oo kale oo u qoondaysnaa sanadka 2021 isla markaana wuxuu sameynayaa “dib u eegis dhammaan barnaamijyadayada iyo mashaariicdeenna si loo garawsado hoos u dhaca oo dib loogu eegi doono shirarka deeq-bixiyeyaasha mustaqbalka ee Afghanistan,” ayuu Pompeo ku yiri hadal uu soo saaray. .

Hadalka Pompeo ayaa yimid xilli uu dib ugu noqonayay dalkiisa kadib markii uu socdaal uu ku tagay Kabul uu ku soo guuldaraystay in la soo afjaro muranka u dhexeeya madaxweynaha Ghani iyo Abdullah Abdullah oo ay soo dhisaan dawladd wadajir ah oo shaqaynaysa.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.