Tirada Dadka Laga Helay Coronavirus Ee Qaarada Yurub Oo Xadhkaha Goosatay

Spain, (HCTV) – Dalka Spain ayaa lagu soo warramayaa in ay aad u koraday tirada u dhimatay xanuunka coronavirus tan iyo markii uu ka  dillaacay cudurku dalkaasi.

Tirada guud ee caabuqa coronavirus ayaa gaadhay 8,000 24-kii saacadood ee la soo dhaafay, sida ay sheegeen saraakiishu caafimaadka ee dalka Spain.

Maalin ka hor tirada dhimashada ah ee la diwaangaliyay ayaa  ahayd 655 dhimasho  halka maalinamdii shalay oo Arbaca ahna la diwaangeliyey 700 dhimasha, taas oo  wadarta tirada dhimashada ka dhigaysa 4,089 qof. Tirada guud ee kiisaska ujiifa caabuqa  coronavirus dalka Spain ayaa maraysa  56,188.

Sida shaacisay  wasaarada caafimaadka mdalka spain maanta oo  Khamiis ah.

Kor ukaca  cudurka coronavirus ayaa kusoo beegmaysa  iyadoo wadarta  guud kiisaska cudurka coronavirus  ee la diwaangeliyey Qaarada Yurub ay kor udhaaftay  250,000, sida baahisay  wakaaladda wararka ee AFP.

Spain waxay hadda ku jirtaa kaalinta  labaad ee ugu sareeya cudurka coronavirusee qaarada  Yurub, marka laga reebo  dalka Talyaaniga oo la diwaangeliyey  74,000 kiis.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.