Idaacada 9:00 Habeenimo Ee BBC Somali Oo La Xidhayo

Idaacada 9:00 Habeenimo Ee BBC Somali Oo La Xidhayo

Shirkadaha Isgaadhsiinta Somaliland oo Sharci Cusub Lagu Soo Rogay.
Ujeedada Socdaal Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Ku Tagay Saylac
Saudi Arabia Oo Gaashaanka Ku Dhuftay Go’aanka Maraykanku Golan Heights Ku Raaciyey Israel
Arday Ka Qalin Jabisay Dugsiga SOS Ee Hargeysa
Kenya Oo Walaac Ka Muujisay Mowqifka Wakiilka QM Ee Doorashada Jubbaland

Nairobi, (HCTV) – Tifaftiraha Idaacada Laanta AfSoomaaliga ee BBC-da, Muxiyadiin Axmed Rooble ayaa sheegay in qorshe guud oo dib loogu qaabanaynayo idaacada la hadasha dibada ee (BBC World Service) oo ay ku jirto Idaacada 9:00 Habeenimo ee Caawa iyo Caalamka in la xidhi doono, isla markaana la furi doono barnaamijyo kale oo la jaanqaada xiligan casriga ah ee digital.

Muxiyadiin Axmed Roobe isagoo arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Go’aankani waxa uu qayb ka yahay qorshe guud oo BBC-da dibada la hadasha dib loogu qaabaynayo iyadoo la xidhayo idaacado iyo barnaamijyo tobanaan sano soo jiray, waxay BBC-du qorshaynaysaa barnaamijyo iyo hanaan warbaahineed oo la jaanqaadaya xiligan casriga ah oo digital ah,” ayuu yidhi Muxiyadiin Axmed Rooble, Tifaftiraha BBC Somali service.

Waxaanu intaasi ku daray “Waxay qorshaynaysaa barnaamjiyo cusub iyo hanaan la jaanqaada dunida casriga ah iyo tignoolayadiyada la gaadhay.
Waaxa isku soo beegmay xiligii loo qorsheeyey fulinta go’aaankaasi iyo aniga oo BBC-da Somali Tifaftire ka noqday, waxaana ka mid ah idaacadaha go’aankani saamayn doono qaybaha BBC-da Ee Afrika la hadasha iyo qaybta Sawaaxiliga iyo Idaacado kale, waxaanu dhaqangalayaa go’aankani habeen dambe Jimcaha,” ayuu yidhi Tifaftiraha Laanta AfSoomaaliga Ee BBC-da.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.

COMMENTS

%d bloggers like this: