Coronavirus Oo 24-Kii Saacadood Ee U Dambeeyay Talyaaniga Ku Dilay 919 Iyo Maraykanka Oo Uu Ku Dhacay 104,000 Qof

USA (HCTV) – Tirada Dadka uu ku dhacay Caabuqa Coronavirus gudaha Dalka Maraykanka ayaa gaadhay 104,000 qof, sida ay shaacisay shaacisay Jaamacadda Johns Hopkins University.

Sidoo kale, waxa Dadka Cudurku ku dilay Dalka Maraykanka gaadhay 1,700, taasi oo tirada guud ee Covid_19 uu Dalalka dunida ka dhigaysa 27,360.

Talyaaniga, waxa la shaaciyey inay 24-kii Saacadood ee u dambeeyay ay Caabuqa Coronavirus  u dhinteen Dad gaadhaya 919, waana dhimashadii ugu badnayd ee la diwaangeliyey 24-kii Saacadood ee u dambeeyay tan iyo markii uu Cudurku qarxay sannadkii hore.

Guud ahaan, Tirada Dadka Dalka Talyaaniga ugu dhintay Covid_19 ayaa hadda ah 9,134, waxaana kor u sii kacaya Tirada Dadka uu xanuunku soo ridanayo, iyadoo ay xilligan marayso 86,000.

Dhinaca kale, iyadoo Dalalka Yurub la liic-liicayaan la dagaalanka Coronavirus ayaa Spain diwaangelisay 769 Qof oo Hal Maalin gudaheed u dhintay Xanuunkan, taasina waxay tirada Dadka uu Xanuunku ku dilay Spain ka dhigaysaa 5,000.

Ugu dambayn, Adduunka oo dhan xanuunka Covid_19 wuxuu ku dhacay Dad gaadhaya 597,000, waxaana ka soo kabtay 131,000, halka ay u dhinteen 27,360.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka