Rwanda Oo Bilawday Caawinta Qoysaska Ay Saamaysay Xayiraada Dawladda Ee Coronavirus

KIGALI, (HCTV) – Dalka Rwanda ayaa bilaabay inuu raashin taageero ah uu u qaybiyo muwaadiniintiisa ay saamaynta ku yeelatay xayiraada lagaga hortagayo fiditaanka cudurka COVID-19.

Talaabadan ayaa ah mid Madaxweynaha dalkaasi President Paul Kagame uu hoosta kaga xariiqay khudbad uu qarankiisa u jeediyey Jimcihii, March 27, halkaasi oo uu ku wargaliyey masuuliyiinta dawladiisa inay qaadaan talaabo kasta oo lagu taakulaynayo dadka jilicda san ee Rwandiiska ah, inta lagu gudo jiro mudada xanibaadaha la soo rogay oo keentay mushkilado bulsho iyo mid dhaqaale.

Dadka dalka Rwanda oo ku nool magaalooyinka oo aan wali wax mushahar ah qaadan ayay saamayn ku yeelatay xanibaadaha dawladdu soo rogtay, waxaanay dalkaasi laga xaqiijiyey 60 kiis oo xanuunka Coronavirus ah.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.