Puntland Oo Soo Saartay Awaamiir Cusub Oo Lagaga Hor-tagayo Covid_19

Garoowe (HCTV) – Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa soo saaray Awaamiir cusub oo lagaga hor-tagayo Caabuqa Coronavirus ee Dunida Faraha baas ku haya.

Kulan ay Magaalada Garoowe ay maanta ku yeesheen Madaxweynaha Puntland iyo Guddiga ka hor-tagga Covid_19 ayaa lagaga soo saaray War-saxaafadeed Xambaarsan Awaamiir ay ka mid tahay in Bandoo lagu soo rogay Gaadiidka Dadweynaha, sida Basaska.

Sidoo kale, waxa Awaamiirta la soo saaray ka mid ah in la gubo Qaadka lagu arko Gudaha Puntland, waxaana la xaddiday isku imaanshiyaha dadweynaha.

Halkan Hoose ka akhriso War-saxaafadeedka oo dhamaystiran

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka