COVID_19 Oo 24-kii Saacadood Ee U Dambeeyay Spain & IRAN Ku Dilay 929 Qof

Tehran (HCTV) – Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee IRAN iyo Dalka Spain oo uu Faro-baas ku hayo Coronavirus, ayaa waxa soo kordhay Tirada Dadka ku dhintay xanuunkaasi 24-kii Saacadood ee u dambeeyay.

IRAN ayaa Tirada Dadka xanuunka  u dhintay maraysa 2,757 Qof, taasi oo ay ku jirto 117 Qof oo cusub, kuwaasi oo dhintay 24-kii Saacadood ee u dambeeyay.

Sidaasi oo kale, 24-kii Saacadood ee u dambeeyay Waxa Covid_19 uu Dalka Spain ku dilay 812 Qof oo cusub,  taasina waxay tirada Dalka Spain ugu Geeriyooday xanuunka ka dhigaysaa 7,340

Sidoo kale, Magaalada New York ayaa Tirada Dadka u dhintay Coronavirus waxay gaadhay 1000 Qof.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka