SAWIRRO: Lamaane Uu Arooskooda Saamayn Ku Yeeshay Cabsida Coronavirus

Gaza (HCTV) – Markii Maamulka Xamaas ee falastiiniyiintu ku dhawaaqeen in Qasa laga helay labadii qof ee ugu horreeyay ee qaba Caabuqa Coronavirus, waxa Dadweynaha lagu war-geliyey in si ku meel-gaadh ahna loo xidhi doono Meheradaha halkaas ku yaalla, si looga Taxadiro in Cudurku sii faafo.

Arrintan oo ay qayb ka ahayd in la yareeyo Isku imaanshiyaha Dadka iyo in la xidho Meheradaha ay ka midka yihiin Hoteellada lagu dhigo Xafladaha, ayaa waxay si gaar ah ugu tahay Nabil al-Hajeen oo doonayey in laba Maalmood dhawaaqa Ogaysiiska ah doonayey inuu guursado Fatma.

Nabil al-Hajeen oo Al-jazeera uga warramay wixii uu dareemay markii uu soo baxy go’aanka ah in la xidho Hoolasha lagu aroosto ayaa yidhi “Markii aanu maqalnay arrintaa, Aniga iyo Fatma shoog-baa nagu dhacay..” ayuu yidhi, waxaanu intaa daray “Waayo? Shan bilood ayaa qorshaynayey Arooskayga, sidaas darteed way adkayd inaad ka noqoto ama aad dib u dhigto..”

Markii la xidhay Hoolasha Aroosyada, lamaanuhu waxay go’aansadeen inuu Arooskoodu qabsoomo oo aanu dib uga dhicin xilligii ay hore ugu qorsheeyeen, waxayna isla qaateen in xilligii ballantu ahayd uu aroosku ka dhaco Guriga Qoyska Nabil, kaasi oo ku yaalla Magaalada Qasa.

Inkasta oo Aroosku qabsoomay, waxa yaraaday Dadkii ka soo qayb-geli lahaa oo noqon illaa 400, laakiin wuxuu hadda ka qayb-galay 25 Qof oo xidid iyo xigaal ah .

“Maanaan garanayn xilliga ay ku egtahay bandoodu, sidaasi awgeed waxaanu go’aansanay inaanu Guriga ku aroosano..” ayay tidhi Fatma oo iyaduna la hadashay Al-jazeera oo HCTV uu sheekadan ka soo xigtay.

Sanadihii u dambeeyay, Xafladaha Aroosyada ee ka dhaca Qasa waxa ka qayb-geli jiray Boqollaal Qof oo isugu jira Ehelada Lamaanaha is guursaday, Saaxiibbo iyo Jaararkooda, laakiin Coronavirus ayaa sababtay inay xilligan Aroosyada ka qayb-galaan Qoysaska Lamaanaha is guursaday oo keliya.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka