Somalia: Qof Hore Looga Helay coronavirus Oo Ka Bogsaday

Muqdisho, (HCTV) – Hal bukaan oo laga helay cudurka ‘COVID-19’ ee Soomaaliya ayaa soo kabsaday oo qarka u saaran in lagasii daayo isbitaal lagu karantiilay oo kuyaala magaalada Muqdisho, sida ay sheegtay wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka ayaa ku taliyay in Axmed Yuusuf Yaasiin laga sii daayo isbitaal ay maamusho UN-ka Muqdisho ka dib markii laga waayay cudurka isagoo lagu sameyay laba baaritaan oo isku xigay.

Waxaa sidoo kale agaasimuhu xusay in seddex bukaan oo kale oo laga baaray lagana waayay cudurka lagasii daayo isbitaalka Amisom.

Saddexda qof ee cudurka laga waayay ayaa lagu kala magacaabaa Cabdicasiis Cabdirisaaq Cusmaan, Ducaale Jaamac Maxamuud iyo Ibraahim Maxamed Yaasiin.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.