Diyaaradaha Dagaalka Sucuudiga Oo Duqayn Ku Dilay 70 Faras

Sanca, (HCTV) – Diyaaradaha Dagaalka ee Sucuudiga ayaa duqayn ku dilay 70 Faras, 30 dhaawac ayay noqdeen. Kadib markii saacadihii lasoo dhaafay ay weerar cirka ah ka fuliyeen Caasimadda Yemen ee Sanca.

Telefishanka Almasiirah, ee dalka Yemen ayaa ku warramay in qof ka mid ah dadkii fardaha dhaqayay uu ku dhintay duqaynta, dad kalena ay dhaawacmeen.

Fardaha weerarka ku dhintay ayaa ku xeraysnaa goob lagu dhaqo oo ka mid ah Academiyadda Militari oo halkaas ku taala.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.