Sucuudiga Oo Xujaajka Sannadkan Ugu Baaqay In Aanay Is-kharash-garayn Oo Laga War Sugo

Makka (HCTV) – Dawladda boqortooyada Sucuudiiga ayaa ayaa Muslimiinta Adduunka Daafahiisa ku nool ka codsatay inay sugaan illaa Xaaladda Coronavirus uu Adduunka geliyey kala Caddaanayso oo aanay gudo-gelin hawlaha ay ugu diyaar-garoobayaan inay soo gutaan waajibaadka Xajka.

Sidaana waxa Slaaasadii Shalay Telefiishanka Dawladda boqortooyada Sucuudiga ka sheegay Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Sucuudiga.

horraantii bishii dhamaatay ee March, Sucuudigu wuxuu hakiyey Cimradii cabsi laga qabo in Cudurka Coronavirus uu ka faafo Magaalooyinka dhulka barakaysan, sida Makka iyo Madiina, taasina waxay Shaki gelisay inay samayso Xajka Sannadkan.

Dad gaadhaya 2.5 million oo Daafaha Dunida ka kala yimid ayaa Taga Makka si ay u soo gutaan Waajibaadka Xajka, waxaana hawhsha logu diyaar-garoobayo Xajku bilaabantaa dabayaaqada bisha July ama bisha Afraad.

Sidoo kale, Xajku waa il Boqortooyada Sucuudigu ka hesho Dhaqaale.

“Sucuudigu si dhamaystiran ayuu diyaar ugu yahay Dadka gudanaya Xajka iyo Cumrada..” ayuu yidhi, Wasiirka Xajka iyo Cumrada ee Sucuudiga Mohammed Saleh Benten o la hadlay Telefiishanka Al-Ekhbariya, waxaanu intaa ku daray “Laakiiin, Xaaladda lagu jiro awgeed, Boqortooyadu waxay doonaysaa inay ilaaliso Caafimaadka Muslimiinta iyo Muwaadiniinta, sidaa darteed waxaanu waydiisanaynaa Muslimiinta Dalalka oo dhan inay sugaan oo aanay gelin hawlaha Xajka (ugu diyaar-garoobayaan), illaa inta Xaaladdu kala caddaanayso.” ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka