Raysal-wasaarihii hore Ee Soomaaliya Oo London Ugu Geeriyooday Coronavirus

London (HCTV) – Allaah ha u naxariistee waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska saaka ku geeriyooday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur-Cadde).
Nuur-Cadde ayaa muddooyinkii u danbeeyay halkaas ku xunuunsanayay, waxana geeridiisa xaqiijiyay qoyska marxuumka.

Nuur-Cadde ayaa waxaa loo magacaabay Ra’isulwasaare bishii November sanadkii 2007,markaas oo ay dowladda fariisnkeeda uu ahaa magaalada Baydhabo waxaa uu ra’siulwasaare ahaa tan iyo 2009-kii.

Marxuumka ayaa Maalmihii la soo dhaafay London u jiifay xanuunka Coronavirus oo haleelay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka