Sucuudiga & Imaaraadka Oo La Daalaa-Dhacaya Covid_19 Iyo 394 Kiis Cusub Oo Jimcihii La Diwaangeliyey

USA (HCTV) – Waxa isa soo taraya Tirada Dadka cusub ee qaadaya xanuunka Covid_19, gudaha Dalka Isku Tagga Imaaraadka Carabta.

Jimcii Shalay waxa lagu dhawaaqay in 240 Qof oo cusub qaadeen Xanuunka Covid_19, taasi oo Tirada Dadka cusub ee Xanuunka qaaday dalkaasi ka dhigaysa 1,264.

Waxa kale oo jira illaa 12 Qof oo ka soo kabtay Xanuunka, kuwaasi oo Tirada guud ee Dadka xanuunka ka soo kabtay gudaha Imaaraadka ka dhigaysa 108 Qof, laakiin waxa la soo weriyey in Qof da’diisu ahayd 51 jir hore ula tacaalayey Xanuun culus, kalyihiisuna hawl-gab ahaayeen uu Imaaraadka ugu Geeriyooday Xanuunka Covid_19, qofkaasina waa kii sagaalaad ee Xanunkan Safmarka ah ugu dhintay Imaaraadka.

Sidoo kale, Sucuudiga ayaa laga soo weriyey in laga diwaangeliyey 154 kiis oo cusub oo Xanuunka Covid_19 ah, intii la joojiyey booqashada Makka iyo Madiina.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka