Madaxweynaha Puntland Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Taliyayaasha Ciidamada Booliiska

Garoowe, (HCTV) – Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa isku shaandhayn ku sameeyay taliyayaal booliis oo heer gobol ah, sida ku xusan wareegto kasoo baxday madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne Deni, ayaa taliyihii booliiska gobolka Nugaal gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire, u wareejiyay gobolka Mudug, halka taliyihii qeybta booliiska gobolka Karkaar, Jaamac Dirir loo bedelay gobolka Nugaal.

Waxaa sidoo kale, madaxweyne Deni uu taliye cusub u magacaabay gobolka Karkaar, waxaana loo magacaabay xilkaas G/sare Cabdi Casayr Yuusuf.

Isbedelkaan hoggaanada booliiska gobolada Puntland oo ah tilaabo naadir ah, ayaa kusoo aadaysa maalmo kadib markii magaalada Garowe uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Gujir.

Laamaha ammaanka falkaan dad kala duwan ayay u xidheen. Waxay kaloo iska fogeeyeen ruuxa ismiidaamiyay inuu katirsanaa ciiddamada booliiska.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.