FAO: Coronavirus Oo Carqaladeeyey Dagaalkii Ayaxa Ee Dalalka Bariga Afrika

Hargeysa, (HCTV) – Xanuunka Coronavirus ee sida aadka ah ugu fiday dalalka aduunka ayaa carqaladeeyey dedaaladii lagula dagaalamayey Ayaxa, waxaana joojinta Duulimaadyada ee uu keenay Coronavirus sababtay inuu dib u dhac ku yimaado suntii lagula dagaalamayey Ayaxa iyo cayayaanka kaleba.

Madaxa hay’adda Beeraha iyo Raashinka ee FAO, Mr Cyril Ferrand ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee Reuters “Hadii aanu ku guuldaraysano wakhti xaadirkan hawlaha la dagaalanka Ayaxa, oo ay sababayso dawada lagula dagaalamayo oo aananu hayn, waxa jiri doonta in tiro ka badan Afar Milyan oo qof ay halgan u galaan sidii qoyaskooda ay u quudin lahaayeen,” sidaasi ayuu yidhi Ferrand.

Tirada Ayaxa ayaa korodhay dabayaaqadii sanadkii hore, waxaana dilaacay Koron-korkii, kadib markii ay caawisay cimilada isbadashay.

Ayaxa dalalka Bariga Afrika ayaa saamayn ku yeeshay wax soo saarkii dhinaca dalaga beeraha ee dalalka Somalia, Kenya Iyo Ethiopia.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.