Ethiopia Oo Xaqiijisay Qofkii Labaad Ee U Geeriyooda Coronavirus

Ethiopia Oo Xaqiijisay Qofkii Labaad Ee U Geeriyooda Coronavirus

Sarkaal Boolis Ah Iyo Qof kale Oo Ku Geeriyooday Qarax Muqdisho Ka Dhacay
Madaxweynaha Soomaaliya Iyo Raysal-wasaaraha Japan Oo Kulan Gaar Ah Yeeshay (Akhri)
Arday Middi ku Hubaysan oo Lagu Toogtay Madaxtooyada Kenya.
Qaar ka mid ah Shacabka Laascaanood oo ka Hadlay In Dastuurka Somaliland lagu barto Dugsiyada.
Turkiga Oo Diyaaraddii Saddexaad Ka Soo Riday Ciidammada Suuriya

Addis Ababa, (HCTV) – Wasiirka Caafimaadka dalka Ethiopia Dr. Lia Tadesse ayaa qoraal ay soo dhigtay Twitterka waxa ay ku sheegtay in haweenay 60-jir ah ay u geeriyootay Fayraska COVID19.

Dalka Itoobiya ayaa maalinba maalinka xigta isa soo taraysay tirada dadka uu soo ridanayo cudurkan Covid 19, iyadoo halka kaliya ee hadda dadka lagu ogaado inay qabaan xanuunkan ay tahay magaalada Addis Ababa.

Degaanada kale ee dalka ayaa iyagu wada dadaallo lagaga hortagayo cudurkan inuu faafo, iyadoo wacyi galintu ay si joogta ah uga socoto guud ahaan dalka Itoobiya.

Qalabka lagu ogaado cudurkan COVID19 ayaa la filayaa in qaybo kamid ah degaannada dalka ay dhawaan shaqadooda bilaabi doonaan.

Tirada u dambaysay ee dadka qaba cudurka COVID19 gudaha Itoobiya ayaa ah 43 qof oo mid kamid ahi uu maanta geeriyooday.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.

COMMENTS

%d bloggers like this: