Raysal-wasaaraha Ingiriiska Oo Cisbitaalka La Dhigay, Markii Calaamadaha Covid_19 Ku Sii Bateen

UK (HCTV) – Raysal-wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa Cisbitaal la dhigay, ka dib markii 10 maalmood ka hor laga helay Coronavirus, sida laga soo xigtay Xafiiskiisa Downing Street.

Waxaa la geeyay Cisbitaal ku yaalla magaalada London, ka dib markii calaamadaha Fayraska Corona ay ku sii siyaadeen, sidoo kalena waxaa sare u kacay heer-kulkiisa ma Xummaddiisa.

Raysal -wasaaraha ayaa weli hoggaaminaya Dawladda, balse wasiirka arrimaha dibedda ayaa lagu wadaa in uu hoggaamiyo kulan Isniinta Maanta lagaga hadlayo Fayruska Corona.

Raysal-wasaare Johnson ayaa lagu wadaa inuu caawa ku jiro Cisbitaalka.

Mr Johnson ayaa guriga ka soo shaqeynayay tan iyo markii lagu dhawaaqay in laga helay xanuunuka Coronavirus 27-kii March.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka