Soomaaliya: Weerar Maraykanku Gacan Ka Geystay Oo La Sheegay In Lagu Dilay 8 Al-Shabaab Ah

Muqdisho (HCTV) – Ciidammada Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka oo iskaashanaya ayaa Fiidnimadii Isniinta waxay dileen 8 Dagaalyahan oo ka mid ahaa Al-shabaab, sida ay Masuuliyiin xaqiijiyeen.

Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarkaasi oo ay wada qaadeen Ciidammada Soomaaliya iyo kuwo Maraykanka aanay dhimasho iyo dhaawac midna ka soo gaadhin Dadka Shacabka ah.

War Qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya, Ciidammada xoogga, Guutada Danab iyo Xulafadooda Maraykanku ay diyaar u yihiin inay la dagaalamaan Kooxda Al-shabaab, si looga hor-tago inay dhintaan Dad aan waxba galabsan, sida ay baahiyey Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua.

Warka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa waxa kale oo lagu sheegay in dagaallada ay Maraykanka iyo Soomaaliya iska kaashanayaan looga dan leeyahay in lagaga hor-tago weerarrada aan kala sooca lahayn ee Al-shabaab qaaddo.

Ugu dambayn, Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa si joogto ah u beegsada Kooxa Al-shabaab iyo fadhiisimadooda Koonfurta Soomaaliya.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka