Somaliland: Guddiga Ka Hor-tagga Covid_19 Oo Soo Saaray War Cusub

Somaliland: Guddiga Ka Hor-tagga Covid_19 Oo Soo Saaray War Cusub

Warbixin Hordhac Ah Oo Laga Soo Saaray Diyaaradii Ethiopia Ee Burburtay
Liibiya: 42 Qof Oo Ku Dhintay Xaflad Aroos Oo Diyaaradi Duqaysay
Madaxweynaha Somaliland Oo Kormeeray Kulliyadaha Ciidamada Darar-Weyne Oo Dhoollo-Tusyo Lagu Soo Bandhigay+SAWIRO
IRAN Oo Qabsatay Markab Kale Oo Sida 700.000 Litir Oo Shidaal Ah
Somaliland: Garyaqaan Caan Ah Oo Shaaciyey Inuu Shaqadii Qareenimo Uu Joojiyey

Hargeysa (HCTV) – Guddida u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga Cudurka Covid_19 ee Somaliland oo Maanta shir jaraa’id qabatay, ayaa bulshada la wadaagtay warbixin cusub oo la xidhiidha xaaladda caafimaad ee bulshada reer Somaliland iyo waxyaahaha ilaa iyo waqtigan u qabsoomay guddi ahaan, waxaana ugu muhiimsanaa waxyaabiyihii ay ka hadleen qodobbadan soo socda:

  1. Waxa dhawaan dalka iman doona oo la dalbay mishiinka lagu baadho Virus-ka covid 19 ee loo yaqaanno PCR oo dadkii ka shaqayn lahaana lagu soo tabobaray dalka Kiiniya.
  1. Ilaa iyo imika waxa dhiig iyo dheecaanno laga qaaday 20 qof oo isugu jira dadkii ay la kulmeen labadii qof ee hore looga helay xanuunkan iyo qaar lagu arkay astaamo u eg kuwa xanuunka Covid 19, waxaana la sugayaa inay natiijadu maalmaha soo socda soo baxdo.
  1. Ilaa iyo haatan ma jirto cid cusub oo lagu arkay xanuunka COVID 19, gudaha Somaliland, marka laga tago labadii qof ee hore loo shaaciyey.
  1. Waxa dhawaan baxaya 186 hawl-wadeen oo wata 62 gaadhi, kuwaas oo mari doona dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka, isla-markaana wacyigelin doona bulshada, waxaana ay hawl-wadeennadani ka socdaan wasaaradaha horumarinta caafimaadka iyo warfaafinta, wacyigelinta iyo dhaqanka.”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

COMMENTS

%d bloggers like this: