Xoghayihii Ciidamada Badda Maraykanka Ee US Navy Oo Is-Casilay

Washington, (HCTV) – Xoghayaha Ciidamada Badda ee dalka Maraykanka Thomas Modly ayaa ku dhawaaqay inuu is casilay kadib markii uu buuq ka dhashay Markabka USS theodore Roosevelt oo uu ku faafay xanuunka Coronavirus.

Markabkan oo qaada diyaaradaha Nuclear-ka qaada ayaa markii uu qayladhaan usoo dirtay kabtankii markabkaasi wuxuu Thomas Modly wuxuu shaqada ka eryay kabtanka USS Theodore Roosevelt kadib markii uu codsaday in laga caawiyo arintaasi, kadibna waxa uu warqad uu u dusiyey warbaahinta.


Mr Modly ayaa raaligelin ka bixiyey Isniintii ka dib markii ay soo baxday inuu ugu yeedhay ficillada Captain Brett Crozier “wax aan macquul ahayn” iyo “doqoniimo inay tahay waxa uu ku talaabsaday”.
Iscasilaada Xoghayaha ayaa timid maalin kadib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu cadeeyay in laga yaabo inuu lug ku yeesho khilaafka.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.