Madaxweyne Biixi Oo Shacabka Ka Tacsiyadeeyay Geerida Xudeydi

Hargeysa (HCTV)  – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa dhambaal Tacsi ah u diray Bahda Fanka, Shacabka Somaliland, ehelkii iyo Qaraabadii uu ka baxay Boqorkii Cuudka Marxuum Axmed Ismaaciil Xuseen “Xudeydi” oo Xanuunka Corona ugu Geeriyooday UK.

Dhambaalka Tacsida ah ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Boqorkii Cuudka Marxuum Axmed Ismaaciil Xuseen “Xudeydi” oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 07/04/2020, dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay fanka iyo suuganta oo uu ka mid ahaa dadkii dhidibada u taagay fankii hore iyo kan casriga ahba, isagoo ku soo galay da’da 18 sanno jir, kana bilaabay magaalada Cadan ee dalka Yemen, maantana uu da’a 92 sanno jir ku hoyday, waxaanu ka mid ahaa dad fara-ku-tiris ahaa oo ay ka mid ahaayeen, abwaan Cali Sugulle Cigaal (Dun Carbeed) abwaan Cabdilaahi Qarshe, iyo macalinkiisi Cabdi Xandule Shanle oo wax ka bedelay kagana tegay taariikh suugaanta.

Waaxaanu ku dhashay magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil, 1928-kii, waxaanu door weyn kulahaa halgankii xornimo doonka ee 1960 ay Somaliland maxmiyadii boqortooyada ingiriiska kaga qaadatay xornimadeeda, isagoo ku suntan taariikho badan oo ma guuraan ah marxuumku.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Bahda fanka iyo suugaanta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo…”

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.