Waa Noocma Qalabka Caafimaad Ee Imaaraadku Ugu Deeqay Somaliland ?

Hargeysa (HCTV) – Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa Somaliland soo gaadhsiisay Qalab Caafimaad oo loogu talo-galay in lagaga hor-tago Xanuunka Covid_19.

Guddiga Somaliland u qaabilsan ka hor-tagga Xanuunka ayaa Madaarka Cigaal ee Hargeysa ku qaabilay Qalabkan oo diyaaradi ka soo qaadday Dalka Imaaraadka.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdillaahi oo Saxaafadda kula hadlay Garoonka diyaaradaha Hargeysa ayaa isagoo Sharraxaya Qalabkankan Caafimaad wuxuu yidhi  “Waxa Sharaf noo ah Maanta inaanu guddoono Deeq Qalab Caafimaad ah oo ah kii lagula dagaalamayey iyo Qalabkii lagama maarmaanka u ahaa in lagula dagaalamo Xanuunkan, kaasi oo ay noo soo dirtay Dawladda Imaaraadka Carabta, aad iyo aad baanu ugu Mahad-naqaynaa Xukuumad iyo Shacabba. Waa Dawladdii ugu horraysay ee ka soo jawaabta Codsigeenii ahaa inaynu Dalalka Caalamka ka helo taakulo la xidhiidha xanuunkan..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka