Khasaare Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Magaalada Boosaaso

Boosaaso (HCTV) – Inta la ogyahay 10 Qof baa ku dhaawacmay Qarax xalay ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Puntland.

Qaraxa ayaa ka dhacay Istaanka laga raaco Basaska Magaalada Boosaaso u kala goosha, waxaana ka dhashay Khasaare ah 10 Qof oo dhaawacmay.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ka dhashay Miino jidka la dhigay, iyadoo la soo weriyey in bartilmaameedku ahaa  baabuur ay la socdeen ciidamo gaaf-wareegayay magaalada, si ay u hubiyaan dhaqan-galka bandowga xilliga habeenkii ah ee lagu soo rogay Boosaaso.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dhaawacyadu ay isugu jiraan sagaal qof oo rayid ah iyo askari ka tirsan ciidanka amniga ee Boosaaso.

Ugu dambayn, Illaa hadda ma jirto Cid sheegatay Masuuliyadda Qaraxan khasaaraha geystay.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka