Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Sheegay In Dad Badan Xanuunka Covid_19 Ugu dhinteen Muqdisho, Qaar kalena Ku Soo Ritay

Muqdisho (HCTV) – Maayarka Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Finish) ayaa sheegay in cudurka coronavirus ay dad badan ugu il-daran yihiin gudaha magaalada Xamar, halka qaar kalena ay u dhinteen kuwaas oo qaarkood uu isagu laftiisu garanayo.

“Magaalada Muqdisho waxaa laga yaabaa dadku in aanay ka war-qabin cudurkaas waa soo gaadhay dad badan ayaa u il-daran qaarna waa u dhinteen anigu aan garanayo” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Qaar aan anigu garanayo oo aan dibed ka iman oo dalkooda joogay ayaa ku dhintay oo qaarna la aasay qaarna aan hadda weli la aasin, arrintaas marka waa arrin halis ah si fududna loo kala qaadi karo”

Cumar Filish, ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay halis weyn oo ah in dadka magaalada ay ka feejignaadaan oo ay qaataan tallooyinka caafimaad guryahoodana ay joogaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u xaqiijisay 12 qof oo uu ku dhacay Coronavirus.

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka