Maraykanka Oo Sii Wada Eedaha Uu U Jeedinayso Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Washington, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sii wada eedo iyo weerarkii dhinaca Afka ah oo uu u jeedinayo hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, kaas oo uu ku eedaynaya in aanay talaabo wax ku ool ah ka qaadin faafida cudurka coronavirus, balse ay u xaglisay dhinaca Shiinaha oo ay jawaab xoog leh ka bixisay markii uu cudurkaasi ka dilaacay.

Waxaanu sidoo kale Madaxweynaha dalka Maraykanku uu cusboonaysiiyey weerarka Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo markii hore ku eedeeyey Trump inuu siyaasadaynayo faafiada cudurkaasi.

“Waxa uu doonayey in xuduuduhu ay furnaadaan. Aniguna waxaan xidhay, waxay ahayd go’aan adag oo aan qaaday. Waxaanu gaadhnay go’aan Hay’adda Caafimaadka Adduunku ka soo horjeeday,” ayuu yidhi Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump.

Sidoo kale kale Mr Trump waxa uu hoosta ka xariiqay in Shiinaha Hay’adda Caafimaadka Adduunku ay u xaqilsay ay ka heshay oo kaliya China $40 Milyan oo dollar oo taageera ah, Halka Maraykanku uu hay’adahaasi WHO ay siiyeen $400 milyan oo dollar.

Dhinaca kale Xoghayaha Arimaha Dibada Maraykanka Mike Pompeo ayaa warbaahinta isna u sheegay in Maraykankuj ay dib u qiimaynayaan lacagaha ay siiyaan WHO.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE0KA.