Djibouti Oo Qofkii U Horeeyey U Geeriyooday COVID-19

Djibouti Oo Qofkii U Horeeyey U Geeriyooday COVID-19

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ka Qaybgalay Munaasibada 150 Arday Ay Kaga Qalinjabiyeen Jaamacadda Tima-cadde
Garoowe: Dhallinyaro Ka Soo Laabtay Aroos Miyi Ay U Gudeen Oo Shil Baabuur Ku Geeriyooday
Unug Ka Tirsan Booliska Maraykanka Oo Gabi Ahaantood Ka Kooban Rag Soomaali Ah
Mali: 13 Askari Oo Faransiis Ah Oo Ku Dhintay Diyaarado helicoptero Ah Oo Isku Dhacay
Farriinta Madaxweynaha Somaliland Ee Curashada Sannadka Cusub Ee Higriga (Akhri)

Djibouti, (HCTV) – Dalka Jabuuti ayaa maanta oo Khamiis ah xaqiijiyey qofkii ugu horeeyey ee dalkaasi ugu dhinta cudurka Coronavirus.

Wasiirka Caafimaadka dalka Djibouti Mohamed Warsame Dirieh. ayaa war-qoraal ah oo uu soo dhigay Twitterka waxa uu ku sheegay in bukaankaasi u heeriyooday xanuunka Coronavirus uu marka hore la tacaalayey xanuuno dhinaca Wadnaha ah, waxaanu ugu geeriyooday xanuunkaasi Cusbitaalka dalka Djibouti kadib markii uu todobaad ku jiray qolka Gargaarka Degdega ah.

Maalintii shalay ayaa dalka Djibouti uu xaqiijiyey in tirada dadka laga helay Coronavirus ee dalkaasi ay gaadhayso 135 qof, halka 25 ay ka soo kabteen sida ay xaqiijisay Wakaalada Wararka ee Dalkaasi Djibouti.

Tan iyo mudadii uu cudurka Coronavirus uu ka bilaabmay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha bishii December, waxa uu cudurkaasi uu ku faafay ugu yaraan 184 dal.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.

COMMENTS

%d bloggers like this: