Djibouti Oo Qofkii U Horeeyey U Geeriyooday COVID-19

Djibouti, (HCTV) – Dalka Jabuuti ayaa maanta oo Khamiis ah xaqiijiyey qofkii ugu horeeyey ee dalkaasi ugu dhinta cudurka Coronavirus.

Wasiirka Caafimaadka dalka Djibouti Mohamed Warsame Dirieh. ayaa war-qoraal ah oo uu soo dhigay Twitterka waxa uu ku sheegay in bukaankaasi u heeriyooday xanuunka Coronavirus uu marka hore la tacaalayey xanuuno dhinaca Wadnaha ah, waxaanu ugu geeriyooday xanuunkaasi Cusbitaalka dalka Djibouti kadib markii uu todobaad ku jiray qolka Gargaarka Degdega ah.

Maalintii shalay ayaa dalka Djibouti uu xaqiijiyey in tirada dadka laga helay Coronavirus ee dalkaasi ay gaadhayso 135 qof, halka 25 ay ka soo kabteen sida ay xaqiijisay Wakaalada Wararka ee Dalkaasi Djibouti.

Tan iyo mudadii uu cudurka Coronavirus uu ka bilaabmay magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha bishii December, waxa uu cudurkaasi uu ku faafay ugu yaraan 184 dal.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.