New York Oo Dadka U Geeeriyooday Coronavirus Xabaal Wadareed Lagu Aasayo

New York, (HCTV) – Shaqaalaha Caafimaadka ee magaalada New York ayaa bilaabay in dadka u geeriyooda xanuunka Coronavirus ee saamaynta balaadhan ku yeeshay adduunka in lagu Aaso Xabaalo Wadareedyo kadib markii ay sii korodhay tirada dhimanaysa maalin kasta.

Goob lagu magacaabo Hart Island ayaa lagu aasayaa dadka faraha badan ee u geeriyoonaya xanuunka COVID19, waxaanay arintani ay noqotay tii ugu horaysay eek a dhacda magaalada New York in dadka Xabaal wadareedo lagu aaso.

Gobolka New York ayaa wakhti xaadirkan kiisas farabadan la daalaa dhacaya, waxaanay tilmaamayaan tiradii u dambaysay in 159,937, kii oo 7,000 ay dhimasho tahay New York oo kaliya.

Hase yeeshee dalka Spain ayaa maraya 153,000 kiis, Talyaaniga ayaa cagocagaynaya 143,000 kiis, halka Shiinaha oo ah halkii Fayrasku ka bilaabmay dabayaaqada sanadkii hore laga diiwaangaliyey 82,000 kiis oo kaliya.

Dalka Maraykanka oo isagu ah ka ugu daran Aduunka dhinaca Kiisaska ayaa la diiwaangaliyey 462,000 kiis, halka dhimashadiisuna ay tahay 16,500 inay u dhinteen xanuunkaasi coronavirus.

Guud ahaan Adduunka oo dhan waxa Xanuunkan qaaday 1.6 million oo qof, balse waxa u geeriyooday 95,000 qof oo kaliya.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.