Baarlamaanka Ethiopia Oo Ansixiyey Xaaladda Degdega Ah Ee Dalkaasi Lagu Soo Rogay

Addis Ababa, (HCTV) – Golaha Wakiilada Shacabka ee jamuuriyada dimuqraadiga faderelka Itoobiya ayaa ansixiyay bayaanka xaalada degdega ah.

Golaha Baarlamaanka ayaa goor dhaweyd ansixiyay bayaanka, si ay qayb uga noqoto dadaalada lagu dhimayo faafitaanka cudurka safmarka ah ee Covid19, waxaanay  ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah, sida uu magaalada Jigjiga uu kaga soo waramayo Wariye Cabdiraxmaan Buux.

Dhinaca kale Wasaarada caafimaadka ee dalka Itoobiya ayaa’ shaacisay in baadhitaan lagu sameyey 442 qof laga helay 9 kamid ah dadkaasi caabuqa Coronavirus taasi ayaa ka dhigaysa wadarta guud ee dadka laga helay Coronavirus ee dalka Ethiopia 65 qof.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.