COVID_19 Oo 24-kii Saacadood Ee U dambeeyay Maraykanka Ku Dilay Dad Ka Badan 2 Kun

USA (HCTV) – Maraykanka ayaa noqday dalkii ugu horreeyey ee hal maalin laga diwaangeliyo inay Coronavirus dartii u dhinteen, tiradii ugu badnayd ee u dhimata adduunkoo dhan, taasi oo dhan 20,35 Qof (2 Kun iyo 35 Qof)

Sida ay baahisay Jaamacadda Hopkins, afar iyo labaatankii Saacadood ee u danbeeyey, dad laba kun kor u dhaafayaa ayaa ku dhimatay Maraykanka.

Mareykanka wuxuu si dhakhso leh u dhaafi karaa Talyaaniga isaga oo ku socda inuu ahaado dalka ugu badan ee dhimashada ee coronavirus Adduunka oo dhan.

Laakiin, khubaro Aqalka Cad u xulay feyraskan ayaa sheegay in fiditaankiisu uu bilaabayo inuu meel xad ka baxa gaadho Maraykanka oo dhan.

Madaxweynaha dalkaasi Donald Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu filanayo in Mareykanka ay ku dhintaan Dad tiro ahaan ka hooseeya tii saadaashu ahayd oo dhamayd  100,000.

Maraykanku waxaa ku dhintay ku dhawaad 18,693 qof, sida laga soo xigtay Jaamacadda Johns Hopkins.

Ku dhawaad kala badh dhimashadaas waxaa laga diwaan geliyey Gobolka New York.

Talyaanigu waxa uu diiwaangeliyay 18,849 dhimasho halka adduunka in ka badan 100,000 oo qof ay u dhinteen fayraska.

Baadhayaasha ayaa saadaaliyay in tirada dhimashada Mareykanka ay ku dhici doonto heerkeedii ugu sareeyay Jimcaha ka dibna si tartiib tartiib ah ay u bilaabi doonto inay hoos u dhacaan, oo ay ku dhacaan ku dhawaad 970 qof maalin kasta 1-da May.

Dr Anthony Fauci, madaxa cudurrada faafa ee Mareykanka, wuxuu ku raacay in Mareykanku uu bilaabayo inuu heerka uu marayo hoos uga dhaco siiba dadka qaadaya iyo kuwa u dhimanayaba. Laakiin wuxuu intaas ku daray in kasta oo “horumarka muhiimka ah” uu jiro, haddana in dadaallada lagu yaraynayey la sii wado, sida kala fogaanshihii bulshada.

Magaalada New York oo ah Magaalada Dadka ugu badani ugu dhinteen Xanuunka Covid_19 ayaa Dadka lagu aasayaa Xabaal-wadareed.

Xabaalo lagu aasi jiray Dadka la garan waayo ee ku dhintay New York ayaa hadda laga dhigay goob lagu wada aaso dadka u dhinta xanuunkan dunida aafeeyay.

Xabaalahaasi waxa Toddobaadkii lagu aasi jiray 25 Qof, balse imika Maalintii waxa lagu aasaa tiro intaa ka badan.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka