AFRIKA: Ciidamo Sheegtay Inay 1000 Dagaalyahan Ka Dileen Koox Xag-jir Ah

Chad (HCTV) – Ciidammada Millateriga ee Dawladda Chad ayaa sheegay inay kooxda Boko Haram ka dileen dagaalyahanno Tiradoodu gaadhayso 1,000.

Ciidammada Chad ayaa sheegay in Tirada intaas leeg ee dagaalyahannada Boko Haraam ah ku dileen Hawl-gal ay ka sameeyeen xuduudka Harada Chad.

Harada Chad waxa kulaalaya dalalka Nigeria, Niger, Camaron iyo Chad, waxaana dhulkaa ku dhuumaalaysta Kooxaha Xagjirka ah, sida Boko Haaraam.

Afhayeen u hadlay Ciidammada Chad oo Magaciisu yahay Colonel Azem Bermendoa ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay in hawl-galka uu sheegay inay ku dileen 1000 Boko Haraam ah, iyagana lagaga dilay 52 Askari oo Milletariga Chad ka mid ahaa.

Wuxuu sheegay in hawl-galka Ciidammadu wadaan uu bilaabmay 31-kii bishii hore ee March, 2020.

“Waxaanu dilnay Kun Argagixiso ah..” ayuu yidhi, Afhayeenku, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu burburinay 50 doonyood..”

Ma Jirto Cid Madax-bannaan oo xaqiijin jirta Sheegashada Ciidammada Chad.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka