Suldaanka Guud Ee Somaliland Oo Ka Dareen-Celiyey Hadalkii Madaxweyne Biixi

Hargeysa (HCTV) – Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ka dareen-celiyey digniin uu Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi u diray Madax-dhaqameed uu Suldaanku ka mid ahaa oo Toddobaadkii hore soo jeediyey inay door ku yeeshaan Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland oo Khamiistii la soo dhaafay ka hadlayey Shir-jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen isaga, Madaxda Axsaabta Mucaaradka ah iyo Shir-guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, ayuu kaga hadlay dhawaaqii Madax-dhaqameedku ku sheegeen inay ka qayb-galayaan Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee Mustaqabalka, waxaanu Madaxweynuhu sheegay in Salaadiintu u diyaar-garoobaan wixii kaga soo baxa hadday galaan bad aan shaqadooda ahayn.

Laakiin, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdqaadir oo Wargeyska Geeska Afrika waydiiyey siduu u arko hadalka Madaxweynaha, ayaa sheegay in aan loo baahnayn in Madaxweynuhu uu arrinka gaadhsiiyo meel aanu joogin, balse haddii uu gaadhsiiyo uu Qaranku ka shiri ama ka wada-hadli doono.

Suldaanka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Madaxweynaha waxaanu leenahay, Arrinku meel aanu taagnayn inaad gaadhsiisaan waa Fool-xumo.”

Suldaan Maxamed wuxuu sheegay in aanay diyaar u ahayn inay isku gefaan Madaxweynaha “Madaxweynaha isku gefi mayno” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Dadka Koonfureedna waxba hadal u dhigan mayno..”

Suldaanku waxa kale oo uu sheegay haddii Madaxweynuhu uu Arrinta gaadhsiiyo meel ka fog halkii hore uu Qaranka ka shiri doono “Meel aanu Arrinku nala gaadhin haddaad gaadhsiiso, Qaranka Somaliland baa ka wada-hadli.” Ayuu yidhi.

Ugu dambayn, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir wuxuu tilmaamay in Siyaasadda looga soo baxo Jaamacado “Siyaasadda Jaamacad baa looga soo baxaa, Kuliyad dhan baa looga soo baxaa siyaasadda, Aniguna Ninka siyaasiga ah waxaan u aqaan Ninka Jaamacad ka sita Shahaado.”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda ONLINE-ka

Xigasho: Geeska Afrika