Dhinacyadii Ku Dagaalamay Wala-Weyn Oo Ku Heshiiyey Xabad Joojin

Wala-weyn, (HCTV) – Kulan balaaran oo la’isugu keenay dhinacyadii dirirtu ku dhexmartay degmada Walaweeyn ee gobolka Shabelada Hoose oo aay goob jog ka ahaayeen maamulka gobolka, wasiiro kasocday Koofur-galbeed iyo saraakiisha maxkamada ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa lagu go’aamiyay xabad joojin si rasmi ah uga hirgasha degmada Walaweyn oo dhawaan dagaalo qabiil aay ka dhaceen.

Odayaal u hadlay labada beelood ee dagaalamay ayaa sheegay inaay isla gaareen xabad joojin, waxaana aay sheegeen in aay kulmeen madaxda kasocota maxkamada iyo maamulka Koofurgalbeed islamarkaana loosoo jeediyay xabad joojin, waxaana odayaashu ugu dambeeyn ku dhawaaqeen inaay hirgalin doonaan xabad-joojinta.

Gudoomiyaha maxkamada ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo munaasabada kusugnaa ayaa sheegay in waxii hadda ka dambeeya dadku aay ku laaban karaan guryaha iyo goobaha ganacsiga islamarkaana dowladu aay balan qaadeeyso amniga dadka deegaanka.

“Qofkasta oo idinka mid ah wuxuu ku laaban karaa gurigiisa iyo goobtiisa ganacsi, amnigiina waxaa damaanad qaadaya dowlada, in guyaha iyo ganacsiga lagu laabtaa kuma xirno in laxaliyo waxii dhacay, xalinta waxii dhacay dowlada ayaay u taalaa. Waxaan amrayaa ciidanka inaay ilaaliyaan dadka deegaanka, maanta waxii ka dambeeya qofkii dhib geeysta waa qof ee ma ahan qabiil, isaga ayaana lagula xisaabtamayaa” ayuu yiri gudoomiye Shuute.

Dhanka kale gudoomiyaha gobolka Shabelada Hoose Ibraahin Aadan Najax ayaa sheegay in Walaweeyn aay tahay halka laga dumiyo Al-shabaab islamarklaana aaysan aqbaleeyn in lagu mashquuliyo dhiiga dad walaalo ah. Waxaa kale oo uu sheegay in maanta waxii ka dambeeya aanan loo dulqaadan doonin qofkii dambi ka geeysta deegaanka.

Wasiirka cadaalada Koofurgalbeed ayaa odayaasha u sheegay inaay masuul ka noqdaan nabadgalyada deegaanka islamarkaana aay iska bari yeelaan qofkii dhib ka geeysta deegaanka oo aay kusoo wareejiyaan maamulka, waxaana wasiirku sheegay in odayaashu yihiin kuwa ugu horeeya ee loo baahanyahay inaay fuliyaan xabad joojintan.

Dadka deegaanka oo qaba cabsi badan iyo uur-kutaaladii aay reebtay dirirta ayaa bilaabaya inaay ku laabtaan guryaha islamarkaana aay dib u furtaan goobaha ganacsiga. Waxaana weli magaalada ku wada sugan maleeshiyadkii dagaalamay oo haaysta hubkii aay ku dagaalameen balse saraakiisha dowlada ayaa sheegaya in si buuxda aay gacanta ugu hayaan amniga degmada oo la’isku haleeyn karo.

Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Koofurgalbeed ayaa si degdeg ah ciidan ugu diray degmada Walaweyn waxaana aay ku guuleeysteen inaay joojiyaan dagaalkii kajiray deegaanka. Colaada degmada Walaweyn ayaa galaafatay nolosha dad kor u dhaafay 25 ruux waxaana ka dhacay dilal foolxun oo qabsaday dareenka bulshada Soomaaliyeed.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.