Jilaa Caan Ku Ahayd Filimada Horor-ka Ah Oo Britain U Dhalatay Oo U Geeriyootay Coronavirus

Liverpool, (HCTV) – Haweenay Matasha Filimada Horor-ka ama Cabsida ah oo caan ah Witchfinder, ayaa u geeriyootay xanuunka COVID19 iyada oo da’deedu tahay 74 jir.

Warka Dhimashadeeda ayaa waxa xaqiijiyey qoyskeeda kadib markii ay soo dhigeen facebooka, sida lagu baahiyey warbaahinta Hollywood.

Hilary ayaa door muhiim ah kaga jirtay matalaada filimada cabsida An Awfully Big Adventure in 1995, iyo sidoo kale filimka Gary Oldman’s Nil by Mouth in 1997.

Aktaradan Caanka ah ayaa ku dhalatay magaalada Liverpool England, waxaanay shaashadaha ku soo gashay filim isagu caan noqday sanadihii horror movie Witchfinder General in 1968.

HORN CABLE TV,

QAYBTA ONLINE-KA.